Salam. I am

A web Developer ,
Programmer & Tech
Student . in Bru 🇧🇪

01. Xirfad

Waxan ahay arday barta cilmiga IT-ga (farsamaati) gaar ahaana programming-ka . Waxaan aqoon gaaban u leeyahay C, C#, C++, SQL, Python, PHP, Ruby On Rails. Hadda waxaan ku hawl-galaa Html/Css, waxa aan diyaarinayaa JavaScript. Waxaa sidoo kale xooga-saaraa : E-commerce, Emailing, Webdesign iyo WordPress.

Haddii aad rabto inaad wax igu kordhiso ama aad wax iga korodhsato amaba aad diyaar u tahay inaan wax is-waydaarsano  waxna kala korodhsano waa diyaar. Waayo, waatay Carabtuba tidhi “العلم بين التلاميذ”😊

Waxaan qalin ku faafiyaa xogaha togan!

Ma ahi qoraa weyn balse waxaan isu xilqaamay inaan qoro qormooyin, qoraalo iyo qodobo aan u qoondeeyay qoomiyadda “Soomaal” qurbo-joog iyo qolqol-joogba.

Somali-Belge

Ma ku noshahay Belgium ? Waxaan halkan kusoo gudbiyaa qormooyin ku saabsan dhamaan dhincyada nolosha sida: système de éducation, système de santé, titre de séjour, l'assistance sociale, marché du travail, tourisme, logement iyo sports-ka.

Burcada-Berri

Ma jeceshahay in aad Burco booqato? Waxaan kuu qaadi-doonaa Burcada Berri oo ah mid cagaaran, casri ah oo cid walbana u furan. Madxafyo iyo meelo lagu kaydiyo taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Garoomo, gooba dalxiis iyo meelo madadaalo.

Soomaalida-Weyn

Waxaan wax ka qoraa fikirkayga ku aadan arrimaha Soomaalida sida : qabyaaladda, siyaasadda, guurka, tahriibka, haasawaha, waxbarashada, caafimaadka, dhoofka, dagaalada sokeeye, suugaanta, qaadka, abaaraha iyo xoolaha.

Bahda-Akhriska

Waxaan aas-aasay Bahda-Akhris-Wadaag (reading club) oo ah madal akhris iyo qoraal. Waxaanay kulmisay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo dunida daafaheeda ku dhaqan, mawduucyo kala duwana wax ka qora...

03. Shaqo



Waxaan nasiib u yeeshay inaan la shaqeeyo shirkado xamuul, isu socod, is-gaadhsiin iyo isu xawilka lacagaha ee ugu waaweyn Yurub
iyo caalamka meelo kale oo ka mid ah sida Afrika, Eeshiya iyo Amerika.