Anigu

Waxa aan ahay arday xaqiiqo raadiye ah.

Qalinkaa wax suureeya ,
Kugu sima halkaa donto,
Saxiib kal furan weeyee,
Sunto faro ku hayn-tiisa,
Waligaa ha sii daynin..... ,
✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️
Maxamed Ibraahin Warsame,
......................رحمه الله......................

Waxaan soo weriya sooyaal tegey iyo seben ina dhaafay. Waxa aanan sifeeya xaaladda lagu suganayahay saaka. Waxaan saadaaliyaa oon suureeyaa saadanbe iyo arrimaha Soomaali sugaaya!

Waxaan qalin iyo qormo ku  tibaaxaa taariikhaha aan la tebinin, xogaha dahsoon, dhacdooyinka aan la tilmaamin, arrimaha la dhayalsaday iyo kuwa lagu dhiiranwaayo in farta lagu fiiqo.

Waxaan ururiyaa afkaaraha togan ee aan ka dhegaysto ama ka dhaxlo odayda, islaamha, aqoonyahanka, abwaanada iyo  umadda kuweeda garaadka iyo aqoonta leh (اهل العقل والعلم).

Waxaan ku dhashay gobolka taariikhiga ah ee Togdheer gaar ahaana dhulka dhufeecada loogu yeedho. Waxa aan ka mid ahay dadka ku caano dhamay dhulka hawdka sare ee xabashidu xooga ku haysato (hawd and reserve area)……

Waxaan aaminasanahay, wada-hadalka, doodaha, is-maqalka iyo aragti is-waydaarsigu inay yihiin udub-dhexaadka isu-soo dhawaanshaha umadaha muranka iyo is-maandhaafku halakeeyey. Sida soomaalida.

Waxaan xiiseya akhriska, qoraalka, dabaasha iyo kubadda.

Ka mid noqo barnaamijyada horumarinta bulshada sida; #Somali-belge team, #bahda akhris-wadaag, #Burcada-Berri, #somaligaan rabo….