Salam. I am

A web Developer ,
Programmer & Tech
Student . in Bru 🇧🇪

01. Xirfad

Waxan ahay arday barta cilmiga IT-ga (farsamaati) gaar ahaana programming-ka . Waxaan aqoon gaaban u leeyahay C, C#, C++, SQL, Python, PHP, Ruby On Rails. Hadda waxaan ku hawl-galaa Html/Css, waxa aan diyaarinayaa JavaScript. Waxaa sidoo kale xooga-saaraa : E-commerce, Emailing, Webdesign iyo WordPress.

Haddii aad rabto inaad wax igu kordhiso ama aad wax iga korodhsato amaba aad diyaar u tahay inaan wax is-waydaarsano  waxna kala korodhsano waa diyaar. Waayo, waatay Carabtuba tidhi “العلم بين التلاميذ”…

Waxaan qalin ku faafiyaa xogaha togan!

Ma ahi qoraa weyn balse waxaan isu xilqaamay inaan qoro qormooyin, qoraalo iyo qodobo aan u qoondeeyay qoomiyadda “Soomaal” qurbo-joog iyo qolqol-joogba.

Somali-Belge

Ma ku noshahay Belgium ? Waxaan halkan kusoo gudbiyaa qormooyin ku saabsan dhamaan dhincyada nolosha sida: système de éducation, système de santé, titre de séjour, l'assistance sociale, marché du travail, tourisme, logement iyo sports-ka.

Burcada-Berri

Ma jeceshahay in aad Burco booqato? Waxaan kuu qaadi-doonaa Burcada Berri oo ah mid cagaaran, casri ah oo cid walbana u furan. Madxafyo iyo meelo lagu kaydiyo taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Garoomo, gooba dalxiis iyo meelo madadaalo.

Soomaalida-Weyn

Waxaan wax ka qoraa fikirkayga ku aadan arrimaha Soomaalida sida : qabyaaladda, siyaasadda, guurka, tahriibka, haasawaha, waxbarashada, caafimaadka, dhoofka, dagaalada sokeeye, suugaanta, qaadka, abaaraha iyo xoolaha.

Bahda-Akhriska

Waxaan aas-aasay Bahda-Akhris-Wadaag (reading club) oo ah madal akhris iyo qoraal. Waxaanay kulmisay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo dunida daafaheeda ku dhaqan, mawduucyo kala duwana wax ka qora...

03. Shaqo



Waxaan nasiib u yeeshay inaan la shaqeeyo shirkado xamuul, isu socod, is-gaadhsiin iyo isu xawilka lacagaha ee ugu waaweyn Yurub
iyo caalamka meelo kale oo ka mid ah sida Afrika, Eeshiya iyo Amerika.