Degdegu waa camal Shaydaan!

man in yellow hoodie jacket ordering to a waitress doing hand sign
 
 
Mid ka mid ah madaxda koox Maafiya ah oo dhaca ama booba hantida iyo xoolaha dadka ayaa waxaa la shaqayn jirey xisaabiye dhagool ah.
Hogaamiyaha maayfiyadu ma uusan aqoon afka iyo calaamadaha dhagoolayaasha la isku af-garto, sidaa awgeed waxa u shaqayn jirey khabiir luuqadda calaamadaha aad u yaqaan.
 
Waxay in badan dadka boobaanba maalin ayaa boolisku baacsaday, iyaga oo hawl-gal tuugnimo ku guda jira.
Ka dib, waxaa gacanta lagu dhigay khabiika ku takhasusay luuqadda gacmaha!
 
Haddaba waxaa loo baahday turjumaan kale, waana lasoo helay.
Madaxa maaliyadda ayaa maalin kulan la lahaa xisaabiyaha (dhagoolkaa), waxa aanu u yeedhay turjumaankii cusbaa.
 
Waydii : imisa/meeqa ayaa lacag inoo hadhay?
Dhagoolkii 5 milyan ayuu jeebka kasoo saarey isagoo tilmaamay inuu hayo shan iskuweera (5²= 5×5= 25 milyan) balse turjumaankii ayaa dhahay : “shan milyan ayaa hadhay, mudane”!
 
Hogaankii maafiyada waa uu xanaaqay waxa aanu dhahay macquul maaha!
Waydii lacagta intii kale aawey 5 tan milyan mooyee?
Dhagoolkii ayaa dhahay: “mudane waxay ku jirta godkii guriga ka danbeeyey”!
 
Turjumaankii: mudane, waa 5 taas uun, lacag kale ma hadhin!
 
Hogaamiyii ayaa baaskoolad lasoo baxay oo dhahay waydii markii u danbaysay, lacagtii ma sheegi mise madax ayaan ka toogtaa?!
 
Dhagoolkii : maxaa khaldan! Waa maxay baaskoolddu?!
Turjumaankii : wuxuu ku dhahay “Waad Iska ciyaaraysaa, ma adiga ku dhaca”! Ayuu ku dhahay!
 
Madaxii maafiyada xanaaq ayuu is-hayn kari waayey, waxa uuna toogtay miskiinkii dhagoolka ahaa!
 
Halkaana wuxuu ku waayey mid kamida saaxiibadiisii qadiimka ahaa.
 
Turjumaankiina wuu iska tagay, waxaanu sii maray goobtii lacagtu ku xasaysnayd/qarsoonayn! Isagoo labaxay 20 milyan.
Dulucda sheekada: khaladka ugu weyn ee Ilmo-Aadan galo waa ku kadsoomidda qof hadalkiis; ku go’aan qaadashada qof kale qawlkii iyo aaminadda aan loo meel-dayin ee qof erayadiis.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *